Aan wada Hadalo
Aan wada Hadalo
- (Aan wada hadalo —- waa aan heshiino).
- (Dadku waxay isku Afgartaan wada-hadalka—- Xayawaankuna urta)
Waxaan jecelahay in aad ila wadaagtaan qoraalo taxane ah,oo aan ka soo qaatay Buugga aan ugu magac daray “aan wada hadalo” oo aan hadda gacanta ku hayo qoristiisa.
Sida aynu la wada socono wada hadalku wuu noocyo badan yahay,laakiin wada hadalka aan Buuggan amase qoraaladan kaga hadlayaa,ma aha mid dhaqan, dhaqaale, ee waa wada hadal Siyaasadeed.
Q1aad:- ee qoraaladan taxanaha ah ,waxaan idiinku soo gudbin doonaa,sharaxaadna kaga bixin doonaa,waxa loola jeedo wada hadal,waxa Soomaalidu ka aaminsan tahay erayga wada-hadal Siyaasadeed ,sidoo kale waxaynu ku eegi doonaa sida Caalamka aynu ku nool nahay u Qeexeen erayga wada-hadal Siyaasadeed.
Marka aynu ka hadlayno erayga “ wada hadal Siyaasadeed,waxaynu tixraaci doonaa
- Suugaanta Soomaali(gaar ahaan Maamaahda–Gabayada iyo halku dhegyada caanka ah)
- Madaxdii ugu caansanayd dhinaca Siyaasada dunida maxay ka yidhaahdeen erayga wada hadalka,waxaynu soo qaadan doonaa qaarkood.
Q2aad: Waxaan idiinku soo gudbin doonaa dariiqooyinka kala duwan ee loo maro wada hadalka laba dal oo ku muransan Xuduud Cirka-Dhulka-iyo Badda ah.Ilaa 3 dariiqo oo kala duwan ayaa jira, dadka kaga qayb gelaya wada hadalka iyo inta ay ka koobanaan karaan amase qaybaha ay isugu jiraan,shuruudaha laga rabo iwm, qaybtan aynu kaga hadli doonaa.
Q3aad: Waxaan si toos ah ugaga hadli doonaa wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland,oo aynu dhinacyo badan ka eegi doono,sida Dhaqanka—Dhaqaalaha iyo Siyaasada.
-
ALLAA. MAHAD LEH
La soco qaybta 2aad iyo macnaha erayga “ aan wada hadalo”
Danjire. Abdi M Saleiman(Mingiste)
facebook. Abdi Saleiman