Xildhibaanno ku dhex dagaalamay baarlamaanka Uganda

Labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ku dhex dagaalamay baarlamaanka kaddib markii mid kamid ah xildhibaanada lagu eedeeyay inuu waday olole ugu baaqayo shacabkii doortay xildhibaankaas inay kasoo horjeestaan, sida ay ku warrantay warbaahin maxalli ah.

Anthony Akol oo laga soo doorto deegaanka Kilak North County ayaa sheegay inuu dharxbaaxay xildhibaan kale oo lagu magacaabo Odongo Otto isla markaasna uu sameeyay tallaabo uu isku difaacayo, sida laga soo xigtay wargeyska Daily Monitor.

Akol iyo xildhibaanka kale ayaa dagaalamay xilli ay joogeen dhismaha baarlamaanka kaddib markii uu weyddiyay sababta uu u wado olole ka dhan ah xilkiisa.

Xildhibaanka la dharbaaxay ayaa qiray in Akol uu waday olole xilka loo qaadayo isla markaasna uu ku eedeeyay inuu iibsaday dhulka dadweynaha, sida uu ku warramay wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa Uganda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker