Trump Oo Kulan Dagdag Ah Ugu Yeedhay Uhuru Kenyata

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in kulan la qaato dhiggiisa Mareykanka Mr Donald Trump kaasi oo lagaga hadli doono Xidhiihdka labada Wadan.

Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Debada Kenya Mr Macharia Kamau ayaa u Xaqiijiyay warbaahinta Bloomberg News in Uhuru uu todobaadka soo Socda la kulmi doono Trump.

Muhiimada ugu weyn ee kulanka ayaa noqon Doonta xoojinta Xidhiidhka Ganacsi iyadoo Heshiisyo cusub ay sidoo kale kala saxiixan Doonaan.

Trump iyo Kenyatta ayaa dhanka kale Kawa hadli doona la dagaalanka kooxaha argagixisada gaar ahaan ururka Al-Shabaab oo mudooyinkan xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya.

Socdaalka madaxweynaha Kenya ayaa ku soo aadeya iyadoo ururka Al-Shabaab sadax askari oo ka tirsan Mareykanka ay bishii December ku dileen weerar ka dhacay saldhiga Manda magagoni ee ismaamulka Lamu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker