Dawlada Maraykanka oo soo Bandhigtay lacagtii ugu Badnayd ee ay ku Taageertay Somalia 2o kii Sano ee ugu Dambeeyay

New York (OWN) – Mareykanka oo ka mid ah dalal taageero Somalia ayaa ka hadlay amniga dalka, gaar ahaan lacagaha uu ku bixiyey 20-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Ku simaha safiirka Mareykanka  u qaabilsan Qaramada Midoobay, Cherith Chalet ayaa Golaha Ammaanka ka hor shaacisay in lacag gaareyso $5.3 bilyan ay ku bixiyeen amniga Soomaaliya, islamarkaana aysan ka soo bixin wax natiijo ah, sida ay hadalka u dhigtay.

 

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in aysan isu dhigmin lacagaha faraha badan ee lagu bixiyey ammaanka Soomaaliya iyo natiijooyinka ka soo baxa.

Cherith Chalet ayaa sheegtay in Mareykanku uu muddadaasi adeegsanayey duqeymo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, balse tallaabooyinka Milatari kaliya aan xal lagu gaari karin.

Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Al-Shabaab,” ayuu tiri Cherith Chalet.

 

 

Ugu dambeyn waxay ay walaac ka muujisay lacagaha Canshuuraha ah ee la siiyo dagaalyahanada Al-Shabaab, iyada oo tusaale u soo qaadatay weerarkii Hotel Elite oo ay sheegtay in dhaqaalaha lagu abaabulay laga qaaday xarumaha ganacsiga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkan Africom shaacisay duqeymaha ay sanadkan 2020 ka fulisay Soomaaliya, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker