Madaxweyne Farmaajo Iyo RW Rooble Oo Ka Hadlay Qaraxii Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka, Saraakiishii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii galabta ka dhacay Magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee Ururka 6aad ee Guutada 10aad,  Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacyo Qaybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Tumey, Saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa difaaca, nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay Magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadowga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeena iyo guud ahaan dadkeena.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker