Khagendra Thapa Magar: Ninkii ugu Gaabnaa Dunida oo Geeriyooday isagoo 27 jir ah
Ninkiiย ugu Gaabnaaย Dunida sida laga soo xigtay diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records (GWR), ayaa ku Geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Nepal isagoo jira 27 sano.
Khagendra Thapa Magar, oo ka soo jeeda Degmada Baglung ee dalka Nepal, ayaa cabirka dhererkiisa uu ahaaย 67.08cm (2ft 2.41in).
Walaalkiis ayaa shalay sheegay in ninkan uu u dhintay pneumonia.
GWR ayaa Ammaanay Mr Magar, Isagoo yidhi “Gaabnidiisa kama aysan hor istaagin inuu noloshiisa ku raaxeysto”.
Mr Magar ayaa sanadkii 2010-kii oo uu 18 jir ahaa loo Aqoonsaday ninka ugu gaaban dunida, kaddib xaflad dhalashadiisa loo dhigay oo ay ka qeyb galeen dadka deegaanka iyo wufuud kale oo caalami ah.
“Iskuma maleeyo nin yar. Waxaan ahay nin weyn. Waxaan rajeynayaa in xilkan uu ii suurtogelin doono inaan taas xaqiijiyo oo aan guri fiican u helo nafteyda iyo qoyskeygaba,” ayuu yidhi xilligaas.
GWR ayaa labo u kala qaadday dadka Gaagaabanย – dadka socda iyo kuwa Naafada ah. Filipino Junrey Balawing, oo aan Awoodin inuu socdo, ayaa noqday ninka ugu gaaban dunida, isagoo cabbirka dhererkiisa uu yahay 59.93cm.
Mr Magar ayaaย mar xilka ninka ugu gaaban dunida ee socda kala wareegay Chandra Bahadur Dangi, oo isna u dhashay Nepal kaas oo dhererkiisa lagu sheegay 54.6cm. Si kastaba, wuxuu xilkiisa dib u helay kaddib geeridii Mr Dangi sanadkii 2015.
Mr Magar waxaa markii hore arkay ganacsade, markii uu ahaa 14 sano jir wuxuuna u qaaday goobaha ay dadku isugu yimaadaan.
Kaddib markii uu Aqoonsi ka helay GWR Sanadkii 2010, wuxuu u safray Dunida wuxuuna ka soo muuqday telefishinno ku yaalla Yurub iyo Mareykanka. Wuxuu sidoo kale noqday wejiga dhabta ah ee ololaha dalxiiska Nepal.
Craig Glenday, oo ah tifaftiraha sare ee GWR, ayaa sheegay inuu “aad uga murugeysan yahay” geerida Mr Magar.
“Dhoolla-caddeyntiisa waxay ahayd mid dhalaalisa qof walba oo uu la kulmo,” ayuu yiri.

Rikoorka ninka ugu gaaban dunida ee socda waxaa haatan la wareegaya Edward Hernandez oo u dhashay Colombia, kaas oo dhererkiisu yahay 70.21cm.