Dibadbaxyaasha Sri Lanka ee xoogga ku galay qasriga madaxweynaha ee raaxeysanaya

Dibadbaxyaasha dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dibadbaxyada kuwaas oo la wareegay guriga madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha tan iyo inta madaxdaas iska casilayaan.

Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu is casilayo 13-ka bishan July.

Dadweynaha ayaa xoog ku galay guriga madaxweynaha iyadoo ay dab qabadsiiyeen guriga Ra’iisul Wasaaraha, waxay ka careysan yihiin saameynta ba’’an ee ka dhalatay dhaqaale xumida ka taagan Sri Lanka.

Waxaa la arkayay dadweynaha oo isaga damaashadayo gudaha qasriga madaxweynaha, qaarkood waxay ku dabbaalanayeen barkadaha lagu dabbaasho, halka qarkood ay isku kala bixinayeen kuraasta quruxda badan ee guriga madaxweynaha.

Dadka qaarkood ayaa la arkayay iyagoo turub ku dhex ciyaaro guriga madaxweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker