Aayatulaahi-ga Iran oo Salaadii Jimcaha ku Difaacay Ciidamadii soo Riday Diyaaradii Rakaabka Ee Ukraine.(Sawiro)

Hogaamiyaha Ruuxiga Ah ee dalka Iran Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa Shalay Salaadii  Jimcaha 8-sano kadib kumanaan Dadweyne ah ku Tujiyay Masjid weyn oo kuyaala magaalada Tehran ee Xarunta Dalkaasi.

 

Aayatulaahi Cali Khumeyni oo khudbad u jeediyay dadkii Salaada kasoo qeyb galay ayaa ciidamada milatariga Iiraan ka difaacay eedo ay kala kulmeen Diyaaradii rakaab ahayd ee ay soo rideen, taasoo laga lahaa dalka Ukraine kuna dhinteen dad ka badan 170-qof oo la socday.

 

 

Salaada Jimcaha  ee uu  Tujinayay Hogaamiyaha ruuxiga  ee Iran waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin katirsan dalka Iran iyo kumanaan kun qof oo Dadweyne ah oo aad u Taageera Hogaamiye Aayatulaahi Khumeni iyo Xukuumada Tehran.

 

Waxa uu sheegay Khumeyni in ciidamada Kacaanka Iran ee soo riday Diyaarada rayidka ah ay Ahaayeen kuwo ilaalinayayay Amaanka Qaranka Iran, isagoo si cad cudur daar ugu sameeyay milatariga ka dambeeyay in diyaarada Gantaal lagu dhufto.

 

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iran ayaa sidoo kale cambaareeyay Dowlada Mareykanka gaar ahaan waxa uu si kulul uga hadlay dilkii loo geestay jeneraal Qasim Sulemani oo milatariga Mareykanka duqeyn ku dileen, waxuuna u mahad celiyay Malaayin Iraaniyiin ah iyo kumanaan Ciraaqiyiin ah oo

U Baroordiiqay Dilkii Qaasim Sulaymaani.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker