Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya Oo Daboolka Ka Qaadday inay Dhisayso Madaarka Ugu weyn Afrika
Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa daboolka ka qaadday in ay dhisayso madaarka diyaaradaha ee ugu weyn Afrika. Waxa uu ka weynaan doona madaarka Dubai waxaanu leegaan ama ka weynaan doona madaarka cusub ee Istanbuul(Turkey).
Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mr Tewolde Gebremariam ayaa sheegay in madaarkan laga dhisi doono duleedka magaalada Bishoftu oo dhanka Koonfur Bari ka xigta magaalada Addis Ababa.
Waxa uu dhulka loo qorsheeyay cabirkiisu yahay 34KM oo isku wareeg ah waxaana ku baxaysa lacag dhan 5 Bilyan oo doollar, islamarkaana uu u adeegi doono rakaab dhan 100 milyan sanadkii. Madaarkan oo ka mid ah qorshaha shirkadda ee 2035 ayaa lagu tilmaamay madaar caasimad ah oo leh adeegyada bulshadu u baahan tahay sida meelaha laga dukaamaysto, hotellada, xarumo tababar iyo meelaha alaabooyinka.
Ethiopian Airlines