Muxu daaranyahey laba kacleynta kacdoonka shacabka Ciraaq
Waddanka Ciraaq oo marki hore hoos iman jirey Imberaaduriyadda Cusmaaniyiinta ( Turkiga ) aya Ingriisku la wareegey 1921, oo ah dagaalki adduunka ee kobaad ‘’DA1’’ (1914-1918 ) wax yar dabadi. Haddaba marku boqor Cabdul Casiiz Bin Aal Sacuud ka adkaadey Shariif Xusseen ee reer Haashim oo xukuumi jirey Maka ( Mecca ) iyo Xijaas ayu Ingiriisku abaal gud uu hayo, taageeradi uu siiyey Shariif Xuseen waqtigi dagaalki adduunka ee kobaad ‘’DA1’’ u uu dhibtey inamadisa talada Ciraaq ( Amiir Faysal ‘’1’’ ) iyo Urdon ( Amiir Cabdulla ). Dalka Ciraaq wa dal balaadhan marka loo eego Urdon. Wa dal kheyraatka hodan ku ah sida shidaalka, beeraha, wabiyada ( degla, Furaat iyo shat al arab ) iwm. Dadka reer Ciraaq ( 38 million oo qof ) wa dad xadaarad guun ah leh sida Ashwariinta, Baabel iwm. waana dad dhiig kulul oo degaal badan ooy adag tahey sii loo xukuuma. mana aqbalaan gumeysiga. ‘’Reer Ciraaqow waxa ii muuqda waqtigi aan kurka idinka jari laha’’ wa weedhi uu yidhi xaakimki caanka aha ee Ciraaq Xujaaj Bin Yousaf Al Thaqafi ( 661-714 ) Waqtigi khalifada Islaamka ay uu talinayeen Uma-Wiyiinta . Haddaba waxa si xog leh u ruxdey dalka Ciraaq dabeyshi isbedel doonka, xoriyat doonka iyo midnimo doonka Carbeed ee uu hoggaaminaayey Jamaal Cabdu Naasir, taaso sababtey 1958 innu ka dhaco dalka Ciraaq Afgambi military uu hoggaaminaayo Cabdulkariim Qaasim. waxaanu diley boqor Faysalka labaad ‘’2’’, qoyska boqortooyada oo dhan ee ka soo jeeda awoowgi boqor Faysal ‘’1’’ iyo ra’iisal wasaarihisi Nuur Al Siciid. Haddaba 8 February, 1963 aya xisbi Al bacth oo Sadaam Xuseen awood badan ku laha xukuunki ka tuurey Cabdul Kariim Qaasim, 9 Februaryna qudha ka jarey. Sadaam Xuseen wuxu safka hore ka saarey madaxdi xisbiga Al Bacat sida madaxweyne Xasan Al Baker, qaar badan na qudhu ka jarey. Waxaanu ku talaabsadey isbedel balaadhan oo dhinacyo badan, wuxu Ingiriiska ka la wareegey ( Qarameyey ) mulkiyadda shirkadaha shidaalka, taaso dhaqaale badan uu ka heley laakiin colaad weyn ingiriiska gashadey (waxa la yidhahda colaadaasi waxey ka mid aheyd sababta ingiriisku kaligi Mareykanka uu soo raacey dulimaadka sharci darrada aha ee uu ku ridey Saddaam Xuseen ). Wuxu Saddaam shacabka Ciraaq ku dhiiri geliyey waxbarashada oo lacag la’aan ah ilaa heer jaamacadeed, taaso dalka Ciraaq u soo saartey aqoon yahano iyo cilmi baadha yaal ku xeel dheer takhasus walba kana dhigtey Ciraaq innu ku hormaro dhinaca warshadaha. Wuxu shacabka siiyey dhul badan oo ay beertaan, wuxu keeney hal malyuun oo beeraleyda reer masar, taaso wax soo saarka beeraha kor uu qaadey. Wuxu dhisey ciidan xog badan oo noqdey mid ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan bariga dhexe, ciidankaaso garab iyo gaashaan uu aha Masar iyo Suuriya dagaalka ay la galaan Yahuudda Isreal. Saddaam wuxu aha hoggaamiyaha Carbeed ee ugu horeyey ee dagaalka Yahuudda la la galey geyey gudaha Isreal isago ku ganaaya magaalooyinka Yahuuddu degto sawaariikhda riddada fog ee la yidha Scud. Waxa kalow kaga gudboona Iran dawladaha gacanka Carbeed ee hodanka ku ah shidaalka. Inkasto xidhiidka Saddaam iyo dawladaha gacanku aanu inta badan fiicnaan jirin laakiin maanta ayey tabayaan oo Iran ku amar taagleyneyso mandaqadda gacanka, mar ay warshadaha shidaalka ee Sacuudiga duqeyso iyo amarkeeda oo ka socda Ciraaq, lubnaan, Suuriya iyo Yemen.
La soco qeybaha dambe,
Eng. Bashe C Gaboobe