Imaaraadka Oo Ogolaaday In loo Iibgeeyo Xoolaha Somaliland.
Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u Bilowdo dhoofinta Xoolaha Nool ee Imaaraatka Carabta Toddobaadkan, sida lagu daabacay waregyska busiweek ee kasoo baxa Dalka Uganda.
Shixnad Xoolo ah ayaa lagu In laga dhoofiyo Dekada Somaliland ee Berbera iyada oo ay Saaranyihiin tiro ka badan 5,000 Neef oo Adhi ah.
Tani waxay timid bilo kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Wadahadal la yeeshay Hoggaanka UAE inta lagu guda jiray booqashadii bishii Abriil ee Sannadkii la soo dhaafay.
Labada dhinac waxay ku Heshiiyeen in la sameeyo gudi isku dhaf ah oo Qaabilsan dhoofinta xoolaha.
“Waxaan Heshiis la gaadhnay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta in la dhiso guddi Qaabilsan dhoofinta Xoolaha nool oo ay wada dhistaan labada dal,” ayuu yidhi Professor Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.
Guddigan wuxuu ka qeyb qaadan doonaaa dhammaan Arrimaha la Xidhiidha caafimaadka, dhoofinta, iyo sharciyeynta dhoofinta xoolaha.