Erdogan Oo Hanjabaad Iyo Digniin Kama-dambayn Ah U Diray Hafter-ka Libya
Turkiga ayaa fariin digiin iyo hanjabaad iskugu jirta u diray Jenenalka Awooda Badan ee reer Liibiya ee Khalifa Haftar, waxana uu Turkigu sheegay in uu “Cashar Lama Ilaawaan Ah” u dhigi doono, hadii uu sii wado gulufka ay ciidamadiisu ku hayaan Magaalada Tripoli ee xarunta u ah dawlada ay QM Aqoonsan tahay
Hanjabaadan ayaa ka soo yeedhay Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waqti uu khudbad jeedinayay isaga oo ku sugan Ankara, maalin kadib markii uu Jeneral Hafter ka baxay wadahadaladii lagu baadi goobayay xasilooni ka islaaxda Liibiya ee ka socday Moskow oo Ruuska ah.
“Kama gaabsan doono inaan cashar lama ilaawaan ah u dhigno ninka madaxa adage e Haftar oo ah qodoxda hortaagan nabadaynta Libya, hadii uu sii wado weerarada uu ku hayo dawlada Caalamku aqoonsan yahay iyo walaalahayo reer Liibiya” ayuu yidhi Madaxwayne Erdogan.
Wadahadalada ku dhicisoobay Mooskow ayaa looga gol-lahaa in lagu soo afmeero 9 bilood oo dagaal dhiig badan ku daatay uu ka socday hareeraha caasimada Tripoli, waxana wadahadaladan soo qorsheeyay Ruushka oo taageera Jeneral Haftar iyo Turkiga oo taageeraya Dawlada Liibiya.
Waxa ay ahayd bishii April ee sanadkii tagay markii uu Jeneral Haftar ku dhawaaqay in uu xoog u isticmaalayo sidii uu dawlada Libya ee fadhigeedu yahay Tripoli oo xukunka uga tuuri laha