Somaliya iyo Midowga Yurub Oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub Oo ku Saabsan EUCAP.(Sawiro
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa Shalay oo Axad ah ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho Heshiis ku saabsan maqaamka Ergada Midowga Yurub ee Awood dhisidda Tababar ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).
Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dawlda Federaalka ah ee Somalia Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, iyo Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.
Heshiiskan Waxaa uu Qeexayaa habka iyo wadashaqaynta Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo lala jaanqaadayo waxyaabaha muhiimadda u leh qorshayaasha Nabadgelyada iyo deganaanshaha ee lagu kobcinayo Awoodda nafsiyadeed ee sare loogu qaadayo amniga badaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Midowga Yurub ee Muqdisho ayaa Tilmaamay horumarka iyo Xidhiidhka iskaashi ee wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya sidii hore loogu dhaqaajin lahaa si loo gaaro natiijooyin lagu qanco oo ka tarjumaya himilooyinka la doonayo.