Al-Shabaab oo Xalay Weerar Mir ah ku Qaaday Saldhig Boolis oo ku Yaalla Gudaha Kenya

Nairobi (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Weerar ay markale Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Olla oo hoos yimaada magaalada Mandera ee gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ku sugan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka lala beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Booliska Kenya iyo xarun shirkadda Safaaricom ku leedahay halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe, balse wuxuu bubur xoogan soo gaaray labada goobood ee la beegsaday.Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya iyo dhanka kooxda Al-Shabaab oo fulisay weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay xadka dalka Soomaaliya.

Todobaadyadii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weeradada ay ka fuliyaan Kenya, iyagoona beegsanayey saldhigyada ciidamada dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker