Ciidamada Badda Ee Dalka IRAN oo Hawlgal Ka Fulisay Xeebta Soomaaliya
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dalka Iran, weliba qeybta ladagaalanka burcad badeedka ay hawlgal ay ka sameeyeen xeebta Soomaaliya ku badbaadiyeen ilaa 13 u dhashay dalka Hindiya.
Kooxda Hindida oo saarnaa doon alwaax ayaa waxaa arkay ciidanka Iran oo gaadh ka ahaa kadibna waxaa ay ku wareejiyeen helicopter kuwa ciidamada badda ah oo laga lahaa Hindiya.