Xildhibaanad surwaal ay xidhnayd awgii looga saaray gudaha baarlamaanka Tanzania
Nin xildhibaan ah ayaa kalfadhi uu baarlamaanka dalka Tanzania uu lahaa ka dhex sheegay in qaabka dumarka qaarkood ay u soo lebbistaan ay baarlamaanka u keeneyso in lagu maadeysto.
“Mudane guddoomiye, tusaale ahaan dhankeyga midig waxaa fadhida walaashey oo xidhan shaadh jaalle ah. Bal eeg surwaalka ay xidhan tahay mudane guddoomiye,” ayuu yidhi xildhibaan Xuseen Amaar oo talaadadii dhaweyd hadal ka jeedinayay kalfadhiga baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa markiiba ku amray xildhibaanad Condester Sichwale in ay ka baxdo baarlamaanka.”Bax oo si wanaagsan u soo lebbiso, markaa kaddib nagu soo laabo,” ayuu yidhi guddoomiye Job Ndugai.
Waxa uu intaasi ku daray in tani aaney ahayn cabashadii ugu horreysay ee ku saabsan lebbiska xildhibaannada dumarka ahi ee ku jira baarlamaanka, wuxuuna ku amray nidaamiyeyaasha baarlamaanka in aaney oggolaan in baarlamaanka uu soo galo qof kasta oo si aan habboonayn u lebbisan.