Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha ,,Ciyaartii Xalay ee Ay Man City 3-1 Ku Burburisay United?
Tababaraha Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in kooxdiisu ay xalay dheeshay ciyaartii ugu xumayd xili ciyaareedkan markii ay ka hor tageen Manchester City oo ku garaacday 1-3.
Gool uu meel fog ka toogtay Bernardo Silva daqiiqaddii 17aad ayaa Manchester City ay ku furatay ciyaarta, waxaana mid labaad ugu daray Riyad Mahrez ka hor intii aanu Andreas Pereira iska dhalinin goolka saddexaad qaybta hore oo ay ka dhiman tahay lix daqiiqo.
Solskjaer oo ka hadlay qaab-ciyaareedkii fadeexadda ahaa ee United ay kala hor tagtay City, ayaa waxa uu sheegay in bandhiggii ay sameeyeen qaybtii hore uu ahaa kii ugu liitay xili ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku dooday inay jiraan kooxo kale oo Manchester City ay u geysatay jab kooda ka weyn.