Kulankii dhexmaray Pro Saleebaan Ahmed Guuleed Iyo Madaxwayen Muuse Biixi

Maamulaha Jaamacada Camuud Pro Saleebaan  Ahmed Guuleed oo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Kulankaas oo ka  dhacay  oo ay labada masuul isku Waraysteen.

 

Guuleed ayaa dhawaan soo afjaray koox la baxday jabhada Cawaale oo u badnaa askar ilaalin jirtay Jaamacada camuud oo laga eryey, ka hor inta uuna madaxweyne ku xigeenka Somaliland gaadhin gobolka Awdal oo uu u tagaayey, kooxo badan oo gacan ka hadal ugu hanjabay maamulka Hargaysa.

 

Guuleed ayaa ujeedadiisu ahayd in uu wiiqo ujeedada socdaalka Saylici, isaga oo u balan qaaday kooxdaa in wax kasta oo ay dalbadeen, balse wax walba waxa ay is badaleen kadib markii uu la kulmay Muuse Biiixi.

Muuse Biixi ayaa u sheegay Saleebaan,hadal la mid ah kii Saylici u sheegay Salaadiinta Awdal oo ah in ayna baad ku bixinayn nabada gobolka Awdal, qofkii tabasha qabaana ay u banaan tahay labbo mid uu uu ku raadsado tabashadiisa, oo sharciga maxkamadaha iyo gole fadhiisi.’

 

 

Warar loo soo dusiyey Heemaal News ayaa sheegaya in Saleebaan uu u balan qaaday Biixi in uu u soo gacan galinayo Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, kalana hadlay arintan Ugaas Cabdirashiid oo hadda ku soo fool leh gobolka Harawa, balse uu marka hore qaybo ka fuliyo balanqaadyadii uu la soo galay jabhada Cawaale.

 

Muuse Biixi oo arintaa ka biyo diiday ayaa u sheegay Guuleed in uu isagu balanqaadkaa kaligii sameeyey, kuna soo war galin madaxda dawlada, loona sheegay maalin ka hor in uu arinka la sugo Saylici iyo wafdigiisa oo ku sii jeeday Awdal, balse uu isagu ka dagdagay, hadda ay u baahan tahay in kulan kale laga yeesho waxa laga fulin karo balanqaadyadaa.

 

 

Muuse ayaa intaa ku daray in uu Guuleed sameeyey wax fiican, maadama uu gobolka ku sugnaa abaanduulaha ciidanka oo amar ku haystay in xoog lagu soo qabqabto xubnaha ka tirsan jabahadaa, balse uu hawshaas baajiyey.

Dhanka kale waxaa magaalada Boorama ka socda hadda qaabkii loo dooran lahaa gudoomiye cusub oo ay yeelato Jaamacada Camuud, loogana qaadi lahaa Guuleed oo loo arkay in uu ka baxay xayndaabkiisii, kuna milmay siyaasad iyo qabyaalad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker