Akhri:Muwaadin Tacadi Iyo Dulmi Ka Sheegtay Ciidamadda Ammaanka Ee Saldhiga Daloodho Ee Magaaladda Hargaysa.
Askari kibrey oo ka tirsan saldhiga daloodh ayaa muddo laga joogo laba wiig iyo maalmo oo ku beegnayd 16 bishii aynu soo dhaaftey ee 12’aad 6:20 subaxnimo Rasaas ku dhuftey wiil aan dhalay oo 16 jir ah, misigta midig dusheeda ayay ka cuskatey xabadu, buruca sare ayey qashay waxa la tolay 14 qodob.
Sidan ayey wax u dhaceen
wakhtigaas ayaa gurigayga laad lagu garaacay, waa askar gaadhi wadata, caruurta oo iskuulada u diyaar garoobeysa ayaa dayrka ka soo yaacay, waxay arkeen askarta caytamaysa ee hanjabaysa, Aabooy waa askar ayey igu yidhaahdeen anigoo jiifa, waan soo kacay, intaanan albaabka furin ayaan ku idhi war maxaad ahaydeen ? Jawaabtii waxay noqotey laag iyo qori albaabka lagu garaaco iyo cay laf jab ah, waxaan goaansadey in aan furo, gudaha ayey u soo Galeen gurigii, waa dhawr iyo toban askari oo hubeysan, waxay i waydiiyeen inamadaadii meeye, anna waxaan u dhaqaaqay qolkay hurdeen, intaan furey ayaan u dhawaaqay, waar soo baxa askarbaa Idin doonaysee ayaan ku idhi, qoryaha way laaladsanayaan, mid ka mida ayaa qoriga guriga dhexdiisa ku cabeeyay, markaas ayaa caruurtii iyo dumarkii wada qayliyeen, Anna waxan ku idhi waar caruurta ha iga layn waar caruurta hayga layn, inamadii oo laba ahaa ayaa soo baxay iyakoo nigisyo iyo garamo xidhan, way kaxaysteen, intii ay gaadhiga ku sii wadeen ayey si xun u garaaceen iyakoo raacay oo aan midna iskusoo taagin ( ilaahay ayaan markhaati u haystaa ) waan adkaysan waayey markaas ayaan ku idhi, ” Waar caruurta hayga layninee danbiga loo haystaa wuxuu yahayba sharcibaa jiree maxaad u garacaysaan ? Waad qabateen oo way idin raaceene ? Askartii qayb ka mid ah ayaa igu soo jeestay oo qori dabadii ila dhacay, farna maan dhaqaajin, dib ayaan gurigaygii ugu soo noqday si aan dharka u xidho oo an uga daba tago, anigoo qolka ku jira oo dharkii is leh xidho ayaan xabada maqlay qaraxeeda, waxa xigtey oohinta iyo qaylada, alla suhayb ayuu toogtey oo way ku dhacday, ?? ninka toogtey waa ninkii guriga ku cabeystay qoriga, markaasaan albabka ka soo boodey, askartiina way la dhaqaaqeen inankaygii oo xabadu ku taalo isaga ayaa sagxada ku dhacay, wiilkii kle ee aan dhalay ee xasana wuu saaran yahay gaadhigay wataan, isaga iyo inama kle oo jaarka ahba,sidaas ayey kula tageen wiilkaygii oo xabadi ku taal.
Saldhiga daloodho ayey la tageen isagoo dhiigu qubanayo, ka dib ayey keeneen cusbitaalka guud, aniga iyo Xaaskii iyo intii aanu soo wada yaacnayna waxaanu tagnay saldhiga daloodho oo ay nala soo waydaarteen, markaanu cusbitaalka nimidna waxaanu kula kulanay wiilkaygii oo dhiig baxay oo sariirta saaran qaybta gargaarka degdega ah, waxaan ku shubay 500cc oo dhiig ah oo markii aan damcay in aan sawirka u qaado ee aan umplance dalbadey si aan u hubiyo in xabadu gudaha ugu jirto ama ay laf wax yeeshay, taas oo uu dhakhterku nagu amrey waxa isla markiiba ay isku raaceen in dhiigiisa la hubiyo, la dibna waxay ogaadaan in uu hooseyo dhiigiisu, markaas ayey goaansadey intaanan qaadin in dhiig lagu shubo, ka dib sawirkii Alxayaad ee aan soo saarey reportkiisii wuxuu noqday in aanay xabadu ku jirin laftuna jabnayn.
Alxamdulilaah ilaahay ayaa mahad iska leh, nabarkiina nabar gardaro uga dhigey, mar labaad waxaan u mahadnaqayaa Agaasimaha cusbitaalka guud iyo dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka ee Amergencyga oo si hagrasho la,aan ah noogu shaqeeyay
Fg : kiiska askartu caruurta u qabanayseyna waxa weeyi Wiil waxyeelo loo geystay habeenkii hore xaafadaha dhexdooda.
Waxaad is waydiinaysaan Askarigii ma xidhan yahay ? Wuu xidhan yahay mana xidhna, goortuu doono ayuu suuqa yimaad goorta uu doonana wuu noqdaa
Maadaama oo uu direys ciidan xidhnaa askari police ahna uu ahaa halka aan abaaray waxay ahayd taliska guud waxaanan doonayaa in maxakamada ciidanka ka garnaqdo isku daygaa dil, taliyaha policekana waan gaadhsiiyey arintan, ladhkana waxa igu soo kiciyey ninkii wiilkayga toogtey oo suuqa dhex maraya iyo ilmahaygii oo aan guriga ku dhaawicinayo