MIIDDA MAAHMAAHDA QAYBTA 8aad Ee Maanta Iyo Qoraa Keyse-iftiin

QAYBTA 8: MIIDDA MAAHMAAHDA:
Qore: Keyse-iftiin

 

MICNAYNTA HALXIDHAALIHII QAYBTII HORE:

ERAYGA “GAR” waxa jawaabo sax ah soo bixiyay Mustafe Axmed oo Maraykan jooga iyo Maxamed Muuse oo aan soo sheegin meesha uu joogo.

 

Jawaabta Mustafe:

Erayga Gar waa:

1. garta la naqo.
2. xadhig wax lagu xidho oo adag.

 

Jawaabta Maxamed:

Erayga waa:

1. garta la naqo.
2. Meel dhul ah oo taag ah.
3. Gadhka ragga.
4. Midab adhigu yeesho (sida ri garan, rida garo).

 

Jawaabahaasi waa sax.

5. Waxaan ku daraynaa oo keliya xididada wadna ka ugu halbowlaysan, tusaale “garka wadnaha ayuu gooyay.”

 

MAAHMAAHDA MAANTA

1. Abaal nin gala waa la arkaa nin gudaase waa yar yahay.
2. Abaal haddaan la gudin Rabbi baa guda.

 

HAl-XIDHAALAHA MAANTA

Waxaad sheegtaa inta micne ee erayga “GAL”. leeyahay.

 

Ku soo hagaaji jawaabta:
Maale22000@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker