Maxaa ka jira in Mahamed Salah Iyo Qoyskiisu ay U Dabaal degeen Ciida Kiristaanka ?

Xiddiga Reer Masar ee Mohamed Salah ayaa Sawirro  isku dhaf ah oo ku Saabsan Qoyskiisa la wadaagay Taageereyaashiisa ku xidhan baraha bulshada maalintii ciidda Masiixiga, kaas oo ay ka muuqatay Xaaskiisa iyo Enanta kaliya ee uu dhalay.

 

Salah ayaa soo dhigay bartiisa Instagram oo ay ku taxan yihiin 35 milyan oo qof, sawirka qoyskiisa oo uu ka ag muuqdo geedka (Christmas Tree) ee ay gaaladu aadka u isticmaalaan maalintan oo kale.

 

Mohamed Salah oo ay wehelinayaan xaaskiisa oo lagu magacaabo Maggi iyo inantiisa Makka ayaa waxay Arbacadii waqtigooda ku qaateen guriga dhexdiisa, waxaana uu maalintaas oo dhan u hibeeyey inuu maaweeliyo qoyskiisa si aanay indhaha ula raacin gaalada dabbaal-degga u samaynaysa Ciiddooda, laakiin xilli dambe ayuu kasoo baxay si uu tababarka ula qaato ciyaartoyga Liverpool ee isku diyaarinaya kulanka Leicester City ee caawa.

View image on Twitter
Sawirka uu Salah soo geliyey barta Instagram-ka ayaa waxa saacad gudaheed ka falceliyey 1.5 milyan.

Xaaska Salah ee Maggi oo inta badan aan kasoo muuqanjin Baraha bulshada, ayaa dhoola-Caddaynaysay, waxaana sidoo kale qoslaysay inantooda yar ee Makka oo dhalatay sannadkii 2014-kii.

Makka ayaa iyadana aan inta badan sawirradeed lagu arag barta Mohamed Salah, waxaana ugu horreysay in uu soo dhigo dhamaadka xili ciyaareedkii 2018/19 oo ay kasoo garab muuqatay abbaheed xilli uu taageereyaashiisa la wadaagayey kabta dahabka ah ee gool-dhalinta ee uu ku guuleystay.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker