” Madaxweyne ma dhacayso cid kaa aqbali doonta wixii aan sharcigii lagugu doortay ahayn”

Madaxweynaha waxa laga sugayaa inuu diyaar gareeyo isaguna u diyaar garoobo doorashadii Madaxtooyada ee dastuuriga ahayd ee muddaysan 13 November 2022 oo maanta inaga xigto 190 Maalmood, mana jirto sabab sharciya oo maanta baajin karta qabashada doorashadaas.
Madaxweyne, waxba kuu kordhin mayso inaad marba nimaan dadkiisii wadan dabada ka riixdo oo Urur aan sharciyaddiisi dhammayn ku taageerto ama u furto, dhammaantoodna inta xafladahooda ka qayb gashaa waa in isku mid ah, isku reer ah, isku xisbi ah.
Bal imisa Urur ayay intaa isku beesha ah ee reerkaaga ahi taageero siin karaan. Ma Xagla Toosiye, ma Catoosh, ma Daljir, ma Gaboose.
Madaxwenyne, labaatankaa sannadood ee Axsaabta siyaasaddu Somaliland ka jirtayba waan kusoo dhex jiray inta badanna qaarkood madax baan ka ahaa, oo aad ogayd, welina la igama hayo aniga oo af-qabiil iyo wax u eeg toona ku hadlaya maantana ma jecli inaan ku hadlo waxaanse arkayaa inaad dhinacaaga ka fasaxday oo adigoo madaxweyne ah
(1) reerkaagi shirbeeleed siyaasadaysan, oo weliba rag masuuliyiin xukuumadeed ahi diyaarinayaan, ku qabsanayaan caasimaddii Hargeysa
(2) inaad 14-kii Xildhibaan ee beeshaada usoo baxay reernimo ku xaraysatay oo inay siyaasaddaada ka baydhaan ka diidday,
(3) inaanad nin beeshaada ah oo Urur furta ka ogolayn halka aad marashixiintii kula tartamayey Ururro ku sameynayso.
Madaxweyne, waxa xisbiyada macaaradku kaa aqbaleen inay kula tartamaan iyagoo og in Maxakamaddii Sare, Ciidankii Qaranka, Dekeddii Berbera, Wasaaraddii Maaliyadda ay rag reerkaaga ahi fadhiyaan.
Ugu dambayn, Madaxweyne ma dhacayso cid kaa aqbali doonta wixii aan sharcigaa ummadda Reer Somaliland dhigatay ee aad Madaxweynaha ku noqotay ahayn.
Waxaanan kaala talinayaa mar hore ayaa wax laguu tirinayay ee inaad wixii xanaf keeni kara adna eed kugu reebi kara aad ka fogaato.
Doorasho iyo 13 November
Abdi Halim M. Musa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker