Ms Agnes Callamard: Xukunka Sacuudigu Ku Riday 5 Qof Wuxuu Muujinayaa Ku Cayaarida Cadaalada

Hey,adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ka soo horjeestay xukunada dilka ah oo maxkamada danbiyada Sacuudiga ku riday shan xubnood oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dilkii wariye Jamal Khashoggi.

 

Ms Agnes Callamard, oo ah madaxa baadhitaanada dilalka qorsheysan u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka ku soo qortay in dilkaan si toos ah uu soo amray dhaxalsugaha Sacuudiga.

 

Waxay sidoo kale intaa raacisay in xukunka lagu riday Shanta eedeysane ay muujineyso ku cayaarida Cadaalada.

Dhanka kale Sacuudiga ayaa sii daayay laba Sarkaaal oo ka tirsan Xukuumada Boqortooyada, iyadoo mid ka mid ah uu yahay la tilayaha dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan.

Marka la raaco sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee qaramada Midoobay dilkaa waxaa mas,uul ka ah Sacuudiga ayay tiri Ms Agnes Callamard.

 

Inkastoo Turkiga uu marar badan ka dalbaday in Sacuudiga uu ku soo wareejiyo shaqsiyaadka u xiran ayaa hadane xukuumada Riyaad waxay diiday in ay ku wareejiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker