Farmaajo Somalia Wuxuu ku Riday God Madaw, Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdirahmaan Faroole
Muqdisho (OWN) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan matalaaddda la siiyey gobolka Banaar.
Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa si weyn uga horyimid ansixinta xeerkaasi, kadib markii xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay meel mariyeen in gobolka Banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho illaa 13 xubnood.
Sidoo kale wuxuu go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay mid sharci darro ah, islamarkaana lagu deg-degay, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tumanayo shuruucda dalka, kuna sii ridayo god dheer, isaga oo kula shirkoobay guddoonka Golaha Shacabka.
“Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yidhi Senator Cabdiraxmaan Faroole.