Congresska Maraykanka Oo U Codeeyey In Xilka Laga Qaado Trump
Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka aya u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka D. Trump. Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka wakiilada ama Kongreska Mareykanku.
Madaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah.
1) inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo iyo
2) inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.
Codbixintii qodobka koowaad ayaa Natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.
Qodobka labaad waxa taageeray 229 mudane halka 198 mudane-NA ay diideen.
Waxaa inta badan xildhibaanada Dimuqraadiga ay isku raaceen xil ka qaadista Trump halka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga na ay kasoo horjeedsteen.
Trump ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo gudbinayaa aqalka sare ee Senetka, kaas oo go’aanka kama dambeysta ah ka gaadhi doona xil ka qaadistiisa.
War qoraal ah oo ka so baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aad ugu kalsoon yahay in aqalka sare ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay u codeyeen Kongresku.
Codeynta ayaa dhacday xilli madaxweyne Trump uu ka qeybgalayay olole doorasho.
Waxaa uu dadkii isugu soo baxay Battle Creek ee Michigan uu u sheegay ” in isagoo ku hawlan shaqo abuurista Michigan ay Kongreskana ku mashquulsan yihiin naceyb iyo in ay ka xun yihiin waxa uu sameynayo”.