Banaan-bax Lagu Taageerayo Xilka Qaadista Trump Oo ka Dhacay Maraykanka.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay gudaha dalka Mareykanka ,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay u codeynayaan mooshin Xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump oo la tilmaamay in uu si xun u adeegsaday awooddii maamul ,isla mar4kaana uu carqaladeeyay howshii Golaha.\

 

Bannaanbaxyadan waxaa lagu kala qabtay Washington, DC, illaa magaalada New York iyo St Paul, (Minnesota) ilaa Phoenix, (Arizona), iyadoo la codsanayo in Trump xilka laga qaado ka dib Marki lagu eedeeyay in uu Heshiis ku Saabsan xagga Doorashooyinka soo socda la galay Xukuumadda Ukraine.

 

Dibad-baxyada ayaa yimid,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay isu Diyaarinayaan Codeynta 2-qodob oo kala ah ku Takrifal Awoodeed iyo carqaladeyn Dhanka Hawsha Aqalka  Cad ah .  waxaana si weyn loo filayaa in ay codeyntu ay ka dhex muuqdo xisbiyada ku jira aqalka ay Dimoqraadiga maamusho.

Dimuqraadiyiinta ayaa ku Eedeeyeyta Trump   Inuu Dadaal badan Ku Bixiyay  Xukumadda Yukreyn,si ay gacan uga geystaan dhaleeceynta Joe Biden oo u taagan xilka doorashada soo socota ee Mareykanka.

Trump ayaa dafiray in uu sameeyay wax qalad ah,isagoo maalintii shalay warqad Xasaasi ah u diray Afhayeenka aqalka  Congress-ka Nancy Pelosi,kaas oo uu ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga in ay wadaan Afgambi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker