Indonesia Oo Qabatay Tartan Dhinaca Qaylada & Cod-karnimada Haweenka Ah

Dad badan oo reer Indonesia ah ayaa ka Qeyb-galaya  Tartan qaylo-dhaan ah oo ka dhacay caasimadda Jakarta, tartankan ayaa dadka ka qayb galaya waxa la siinayaa shan daqiiqo marka uu  masraxa isa-soo-taago, waxana iyaga oo cod dheer ku dhawaaqaya ay tartamayaashu ka hadlayaan mawduucyo kala duwan oo Arimaha bulshada ah oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada iyo ilaalinta Xuquuqda carruurta, waxana ay soo jeedinayaan talooyin ay dhagaysanayaan dadka U soo daawashada tegay tartanka.

 

Tartamayaasha, ayaa U  badan Hooyooyin guri-joog ah oo ka soo jeeda dadkii Asalka ahaa ee Deganaa magaalada Jakarta, kuwaas loo Loo  yaqaan Betawi, kuwaas oo ah kuwo Sumcad ku mutaystay dhinaca Codkarnimada hadalka iyo is-xilqaanka bulshada dhexdeeda.

 

“tartan ma aha mid sahlan, Tartamayaasha looma ogola inay ka hadlaan maqduucyada qaar, marka ay Masraxa soo istaagaan  ee ay hadlayaan. waxa reeban inay ku hadlaan Ereyo xanaf leh, ama aan la fahmayn, sidoo kalena waxa ka reeban inay faraha fiiq-fiiqaan markay la hadlayaan dadka”ayuu yidhu qaban-qaabiyaha Tartankanka  oo lagu Magacaabo Muhammad Rifki.

 

Tartankan ayaa looga golleeyahay in lagu kobciyo dhaqanka dhinaca Codkarnimada  ee Qoomiyada  Betawi, iyada oo kuwa ku guuleysta ay heli doonaan Abaalmarin lacageed oo dhan 1.5 milyan oo rupi -ga Indonesia ah  oo u dhiganta  107 doolar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker