Qaramada Midoobay oo Ayiday Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May

Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-May ee Somaliland Ayiday Waxaanay ku Dartay Maalmaha Fasaxa ee Shaqaaleheeda,

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidaasi ku Sheegay waraaq rasmi ah oo uu kala diray shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland iyo Somalia .

 

Qaramada Midoobay ayaa maalinta 18-ka May Shaqaalaheeda ku dartay maalmaha fasax ah ee sanadka soo socda ee 2020-ka, sida lagu cadeeyay waraaqda rasmiga ah ee maalmaha fasax, midaasi oo ku taariikhaysaneed 9-Dec-2019.

 

Waxa sidoo kale warqadaasi lagu sheegay in maalinta 18-ka May ay fasax Noqon doonaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala gudaha Somaliland oo keliya, maadama ay tahay maalinta madax-banaanideeda Ah.

 

Warqadan ay UNSOM shaqaalaheeda ku wargelinaysa maalmaha fasax ayaa waxa kale oo ku jirtay maalinta 26-juun, midaasi oo lagu sheegay inay fasax ahaan doonaan shaqaalaheeda Soomaaliya iyo Somaliland.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker