Boris Johnson iyo xisbigiisa oo ku guuleystay doorashadii Britain

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xisbigiisa Conservative-ka ayaa ku guuleystay inta badan 650-ka kursi ee baarlamanka dalkaas.

Ayada oo waxyar mooyee dhammaan natiijada kuraasta shaaca laga qaaday, ayaa xisbiga ra’iisul wasaare Boris Johnson waxa uu xaqiijiyey 364 kursi, taasi oo ah guushii ugu weyneyd ee xisbigu gaadho tan iyo xilliyadii ra’iisul wasaare Margaret Thatcher ee sidaatamaadkii.

Guusha xisbiga Conservative-ka ee doorashadan lasoo hormariyey ayaa xal muddo la sugayey u heli doonta ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, oo cod-bixiyayaasha ay ku ansixiyeen afti sanadii 2016.

Isaga oo cambaareynaya saddex sano oo ahaa is-marin waa siyaasadeed oo ka dhashay Brexit, ayaa Johnson waxa uu khudbaddiisii guusha wacad ku maray inuu soo geba-gebeyn doono ka bixitaanka Britain ee Yurub 31-ka bisha Janaayo ee soo socota.

 

Dhinaca kale, xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour-ka ayaa waxaa asiibay guul-darradii ugu xumeyd ee doorashada tan iyo ka hor dagaalkii labaad ee adduunka, taasi oo ku qasabtay hoggaamiyahooda Jeremy Corbyn inuu ku dhowaaqo qorshe uu uga tagayo hoggaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker