Gudoomiyaha Beelaha Hawiye Oo Cadeeyey Inay Tahay Wax Kama Jiraan inuu ka hor-yimid Dowladda Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda.

Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Hawiye, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Wararkaan ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Gudoomiyaha Gollaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba kama jiraan Ay tahay inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker