Somalia Oo Ka mida 12 ka Wadan ee ku Tartamaya Koobka CECEFA ee Bisha Soo Socota ka Furmaya Wadanka Cong DRC
Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa bisha soo Socota Horaanteeda ka bilaaban doona dalka Uganda, waxaana ka qeybgali doona 12-wadan.
Sanadkan Taranka waxaa marti Galiyay wadanka Congo DR, kaas oo ka mid ah quwadaha qaaradda Afrika sanadahii dambe-na Sumacooda dhanka Kubadda Cagtu aad Kor ugu Kacday , waxaana furitaanka lagu ballansan yahay 7-da December isagoo socon doona ilaa 19-ka bisha.
Somaliya waxey La group tahay wadamada South Sudan, Sudan iyo sidoo kale wadanka martida Loo yahay ee Congo DR, waxaana la leeyahay Rajadeeda soo bixitaanka ma ahan mid lasii saadaalin karo maadaama laba wadan oo awood leh ay group-ka kula jiraan.
Group A: Uganda. Burundi. Ethiopia. Eritrea.
Group B: DRC Congo. Sudan. South Sudan. Somalia.
Group C: Kenya. Tanzania. Djibouti. Zanzibar.