Nin Qaab Lala Yaabay Ku Raaci Jiray Diyaaradaha Oo Lagu Xidhay Dalka Hindiya

Nin lagu magacaabo Rajan Mahbubani, una dhashay dalka Hindiya ayaa lagu qabtay Magaalada Delhi, kadib markii la ogaaday in qaab la yaableh u ku raaci jiray diyaaradaha.

Ninkan oo da’diisu ay tahay 48 sano jir ayaa sameystay oo xidhan jiray direyska duuliyeyaasha shirkadda duulimaadyada ee Lufthansa, si uu u khaldo shaqaalaha garoonka, looguna oggolaado in uu ka gudbo albaabada la isku baaro.

 

Ninkan ayaa marka uu yimaado garoonka toos u geli jiray diyaaradda uu doonayo in uu ku safro, isagoo aanan wax baaritaan ah marin.

 

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya ayaa kusoo warrantay in sababta uu sidaas u sameyn jiray ay tahay in uu garoonka kala dhoofo alaabo laga yaabo in ilaalada garoonka ay qaban lahaayeen ama ay sharci darro tahay in lala dhoofo, sidaas na uu ku dhaafi jiray goobaha la isku baadho.

 

Farsamada uu adeegsan jiray ayaa u shaqeysay Rajan kahor inta aanan lagu xidhin garoonka Gandhi International.

Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in markii la ogaaday ninkan uu doonayay in uu raaco diyaarad ay leedahay shirkadda AirAsia oo kusii jeeday Magaalada Kolkata.

 

https://www.youtube.com/watch?v=NA4pxq_rE1Y

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker