Ma dhabba in Inuu Hoos U dhac ku yimi Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ?
Hargeysa (OWN) – Kadib Isbeddelkii ku yimid Hoggaanka iyo Awoodda Xukunka Itoobiya ee uu la wareegay RW Abiy Ahmed,
Hadaba Waa sidee Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia , Waxay la wada soconay in Muddo dheer uu Xidhiidh Fiicani ka dhexeeya Dawlada Federaalka ah ee Ethiopia iyo Dawlada Somaliland oo Darisna ah . Hadaba Xidhiidhkaasi Maanta Maxaa iska badalay ma Hoos U dhac ayaa ku yimi mise Wuu sii koray Waxaa Bilihii U dambeeyay La Maqlayay inay Dawlada Ethiopia ay Sheegto inay Dawlada Somaliland kala Kulantay La Xisaabtan Siyaasadeed oo Aan hore Looga Baran Sonmaliland Inay kula Xisaabtanto Itoobiya, sida uu qoray The Reporter Ethiopia.
Sanado badan, dadka reer Soomaliland Waxay ku Adkaysanayeen inay ka Go,een Somalia Waxaanay ku raaxeysanayeen Xidhiidh wanaagsan oo hormar leh oo ay la laahayeen Itoobiya iyadoo labada dhinacba ay u taagnaayeen ilaalinta danaha laba dhinaclaha ah.
Laakiin, sida uu sheegayaan Cabdinaasir Axmed Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Mukhtaar Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Hanuuninta, horumarkii ugu dambeeyay ee ka soo if baxay Itoobiya iyo natiijooyinka heshiiskii saddex-geesoodka oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya wuxuu dareen cabsi ah ku abuuray Somaliland.
“Heshiiska saddex geesoodka ahi wuxuu meesha ka saaray Somaliland. Laakiin waxaan jecel nahay inaan rumeysanahay inaan Xidhiidhkeena adag ee aan la leenahay Itoobiya, ”ayuu Xirsi u sheegay Wariyayaal ka socdo Itoobiya oo ku sugan Hargeysa.
La-taliyayaal sar sare oo ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa xoojiyay walaaca ay ka qabto Dawladoodu Xidhiidhka Xagga danaha diblomaasiyadeed ee itoobiya Ay la leeyihiin . Tusaale ahaan, ilaa bishii September ee Sannadkan , Itoobiya ma magacaabin qunsul guud oo beddelaya dibloomaasi hawlgab ah oo Xaruntiisu ahayd Hargeysa.
Waxa intaa u dheer, dadka reer Somaliland waxay ka walaacsan yihiin nabadgelyada jilicsan ee Xudduudka ay la wadaagaan Itoobiya. Si kastaba ha noqotee, Somaliland ayaa walaac ka qabto fal dambiyeedyada ka dhaco Xaduuda labada dal, waxayna rumeysan tahay inay Itoobiya ka gaabisay kaalintii ay ku laheyd sugidda Amniga Xuduudda, waxayna saraakiisha Somaliland si gaar ah uga walwalsan yihiin waxa ka dhallan karo xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Itoobiya dhexdeeda.
Mohmed Omar Hagi oo ah la-Taliyaha sare iyo kaaliye gaarka ah iyo Mohmed A. Maxamuud (Barawini), oo isna ah la-Taliyaha sare ee siyaasada, ayaa muujiyay dareenka ay ka qabaan xukuumadda Somaliland ee ku aaddan amniga xadka. Labaduba waxay iftiiminayeen kharashaadka ku baxa Somaliland ee ah ku dhawaad 40 boqolkiiba oo kamid ah miisaaniyadda Maamulka oo lagu bixiyo xagga amniga iyadoo xusid mudan tahay in asbuucii hore Baarlamaanka Somaliland uu ansixiyey miisniyadda sanadka cusub oo noneyso 500 milyan oo Doollar.
Si kastaba ha noqotee, ku dhawaad labo sano, maamulka hadda ka jira Addis Ababa, sida mas’uuliyiintu sheeganayaan, fiiro yar ayey siinayaan nabadgelyada iyo walaaca diblomaasiyadeed ee la Xidhiihdka Somaliland.
Waxay sheegeen inay si dhaw ula socdaan siyaasadda cusub ee dibedda ee Itoobiya. Sidoo kale, masuuliyiintu waxay muujiyeen walaac aad u weyn oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee walwalsan ee ka jirta Itoobiya oo laga yaabo inay soo gasho Somaliland.
Inkasta oo uu jiro walaac xooggan, haddana mas’uuliyiinta Somaliland waxay sheegayaan inay kalsooni buuxda ku qabaan Itoobiya isla markaasna uu wanaagsanaan doono xiriirka labada dhinac.