Hadalhaynta Badhasaab Tiimbaro Oo Laga beddelayo Sanaag iyo Hirdanka Xubno Kursigiisa Raadinaya

Ceerigaabo(OWN) Warar maalmahan bulshada dhexdeeda kubadan ayaa sheegayaa in Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) lafilayo maalmaha soo socda in laga beddelayo gobolka Sanaag oo horraantii kalhore la wareegey xilka bmadaxweynaha Somaliland u magcaabay Badhasaabka gobolka Sanaag haseyeeshee muddooyinkii ugu danbeeyey safarro debedaha iyo caasimadda (Hargeysa) isaga daba noqonayey, balse muddada uu xilkan badhasaabnimo kahayo gobolka Sanaag ay bulshada kala duwan ee halkaas kudhaqani si isku mid ah ugu arkayeen badhasaabkii ugu macquulsanaa ee xukuumadihii Xisbiga Kulmiye muddadii ay talada dalka hayeen ay usoo magcaabeen gobolkaas, welibana lakulmay xilli adag oo colaado sokeeye iyo arrimo kaleba ay ka taagnaayeen gobolkaas, kuna guulaystey wax badan oo caqabadahaas laxidhiidha inuu xalliyey.

 

Wararka arrintan laxidhiidha ee bulshadu isla dhexmarayso ayaa sheegaya in xubno kasoo kala jeeda beelihii muddada badan ku dirirayey degaannada Ceelafweyn ay u xusulduuban yihiin sidii Madaxweyne Biixi ugu magcaabi lahaa xilkaas badhasaabnimada gobolka Sanaag, taasoo faallada dadka qaarkood sheegayaan in ay u muuqato arrin aan xilligan ku habboonayn maaddaama ay dhici karto in weli ay sii jiraan xurgufo colaadihii Ceelafweyn laxidhiidha taasoo saamaynteeda yeelan karta.

 

Wararka qaarkood ayaa iyaguna tibaaxaya in xubnaha xilkan raadinaya ay kamid yihiin shaqsiyaad Sanaag-bari kasoo jeeda haseyeeshee taasi markaba waxay meesha soo gelinaysaa sawirka gobolka Badhan ee sanaag-bari oo ah mid aan taladiisa cidina ku wehelin beelaha Sanaag-bari dega, sidaas awgeedna saami kale oo Badhasaabka gobolka Sanaag ah aanay xilligan aanay xaq u lahayn.

 

Sikastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la filayaa wixii xaqiiq kanoqda wararkan bulshadu isla dhexmarayso iyo halka xaaladdu ku danbayso.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker