Culimada Magaalada Muqdisho oo ka hadlay muxaadarada Sheekh Umal
Waxaa saacadihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay eedeemo loo jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maanta lagu wado in uu muxaadaro ku qabto Magaalada Muqdisho.
Culimada Muqdisho oo ay ka mid yiihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow uusan ahayn mid ay la qabaan culimada Soomaaliyeed.
“Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow ma ahan mid u ku matalayo culimada ee waa kalima ra’yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su’aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriira, Sheekha in uu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn”, ayuu yiri Sheekh Bashiir oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed.
https://www.youtube.com/watch?v=C5IIY9ulQV4