“Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan”
Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka mid ah Ergada dhex-dhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalada isu soo dhawaynta ah ee ay wadaan inay ku dhammadaan is afgarad.
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, oo wuxuu si kooban u sheegay inuu rajo ku qabo in arrimaha dalka ka taagtaagani ku dhammaadaan is afgarad buuxa, “Dabcan anigu maan joogin,laakiin waxaanu leenahay Afhayeen, waxaana noo Afhayeen ah Faysal Cali Waraabe, oo runtii isaga ayaa noo hadlay, halkay wax noo marayaana ka hadlay, ILLAAHAY xaqa iyo khayrka mar walba ha ina waafajiyo, waxaanu rajaynaynaa in arimahan taagani khayr iyo is afgarad inoogu dhammaadan.”
Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax