Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Kabul oo dib loo furay
Duulimaadyada milateri ee daad -gureynaya diblomaasiyiinta iyo dadka rayidka ah ayaa dib uga billowday gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Kabul.
Shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qalalaase shalay ka dhacay isla garoonkaas, inkasta oo aan la hubin in la toogtay ama ay ku dhinteen isbuurasho.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in garoonka ay hadda ka jirto xasillooni.
“Dad badan oo shalay halkan joogay ayaa guryahoodii aaday,” mid ka mid ah saraakiisha amniga ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters.
Si kastaba ha ahaatee, Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in weli rasaas laga maqlayo dhinaca garoonka.
Duulimaadyada ayaa la hakiyay inta badan Isniintii. Gegida dayuuradaha ayaa ah meesha kaliya ee ay ka baxaan ciidamada shisheeye ee uu hoggaaminaya Maraykanka ee ka sugan Afgaanistaan.