Beesha caalamka oo Dawlada Federaalka ah ee Somalia u dirtay digniin culus oo ku aadan doorashada Galmudug
Muqdisho (OWN) – Xubnaha Beesha Caalamka u joogo Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saaray Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Oodwaynemedia u sheegay in beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay goobjoog Qudha ka noqoto doorashada ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in beesha caalamku ay balan qaaday inay bixin doonaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada maamulka Galmudug.
Beesha Caalamka ayaa ka digtay in doorashada Galmudug ay noqoto mid lamid ah tii ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed.