Siyaasiin Ku Dhawaaqi Doonno Damacoodda La Xidhiidha U Tartamidda Jagadda Guddoomiyenimadda Xisbiga WADDANI.

Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ah Guddoomiyaha Ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI, ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inuu u tartamayo Guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI, marka la gaadho shirweynaha Xisbigaasi ee la qorsheeyey inuu qabsoomo dabayaaqada bishan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Cabdiqaadir Jirde, oo la xidhiidha wakhtiga uu shaacinayo damaciisa, hase yeeshee sida ay Warar Xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Saxansaxo, Cabdiqaadir Jirde ayaa loo badinayaa inuu berri Axad ku dhawaaqo damaciisa Guddoomiyaha Waddani.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isaguna la filayaa inuu isla toddobaadkan ku dhawaaqo murrashaxnimadiisa Guddoomiyaha Waddani.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha imika ee Waddani, ayaa isaguna hore u shaaciyey inuu u tartamayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.
16-ka bishan October, ayaa ah maalinta u dambaysa ee Guddida qaban-qaabada shirweynuhu u qabteen in Murrashaxiinta Hoggaanka Xisbiga doonaysaa in ay soo buuxiyaan shuruud loo dhigay cidda danaynaysa in ay u tartanto Hoggaanka Xisbiga WADDANI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker