Madaxwayne Farmaajo oo Nayroobi kula Kulmay dhiggiisa Ugaandha
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa oo ku sugan magaalada Nairobiayaa shir-doceed la qaatay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.
Inkasta oo aan si sax ah loo ogayn waxay ka wada hadleen labbadan Hogaamiye, oo inta badan ay qariyaan madaxda soomalidu ujeedada kulamada ay la yeeshaan madaxda kale, waxaa war kooban lagu sheegay, in ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo amuuraha guud ee gobolka ee ay labada dal dan-wadaagta ka yihiin.
Labada Hogaamiye ayaa ka mid ah madax kala duwan oo lagu casuumay ka qayb-gelka Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey kaasoo Shalay ka furmay magaalada Nairobi.
Shirkan oo uu Hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangoynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.