Tirada Dadka Uu soo Ridayo Cudurka Coronavirus oo aad kor Ugu kacday Dalka kenya
Tirada Dadka uu soo ritay Cudurka Coronaviras ee dalka Kenya ayaa gaadhay 81 qof iyadoo 22 qof laga helay cudurka Arbacadii shalay,
Hase yeeshee Dowlada Kenya ayaa sheegeysa in xaaladda bukaanada ayna halis ahayn
marka laga reebo hal qof oo xaaladiisu ayna wanaagsanayn.Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dadka ugudambeeyay ee laga helay cudurka ay 13 yihiin rag halka sagaalna ay haween
yihiin.
Mr Kagwe ayaa intaa ku daray in Bukaanada cusub ee laga helay Cudurka ay
yihiin 18 Qof oo Kenyan ah ,Labo Pakistani ah iyo laba u dhashay dalka Cameroon