Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee ku Sugan Afrika Oo Soo Gaadhay Muqdisho
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Taliska Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa soo gaadhay Soomaaliya.
Taliyaha oo uu weheliyo fuliyaha arrimaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika.
Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julay ee sanadkaan.
Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya, dawladaha kale ee Afrika ee ay iskaashiga la leh Soomaaliya iyo weliba dalka Maraykanka oo Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.
Waxa uu sheegay in qasadkoodu uu yahay inay weeraraan Maraykanka inkasta oo sida uu sheegay aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay taliska.
Waxa uu sheegay in Maraykanku ay Soomaalida ka caawinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen qorshayaasha Argagixisada.