Yaa Ahlu Sunna Ah Q/1 aad Qore Khadar Ibrahim

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Waxaan salaamaya bahda saxaafadda….

 

Aqoonyahanno badan oo isugu jira culamaaudiin iyo wax garad kala duwan ayaa soo jeediyey in jawaab waafi ah laga bixiyo qoraal lagu faafiyey internet-ka.  Kaasoo ka hadlayey calaamadaha  lagu garto dadka haysta dariiqa xaqa ah ee ahlu-sunna wal-jamaaca.

 
 Qoraalkaas waxaa qoray firqada uu  sheekha u yahay Med C/Wahaab,   kuwaasoo aad u ammaanay dadka haysta caqiiddada ahlu-sunna wal-jamaaca. sida laga dhadhansanayey qoraalka waxay doonayeen inay  sheegtaan ahlu-sunnah , haddana ma sheegan , maadaama ay uga baahantahay daliillo iyo caddaymo aad u fara badan, kaasoo aanu la iman Karin qof aan ahayn Ahlu-sunnati wal-Jamaacah.
 
 Ma aha qoraal-kaas oo keliya, waxaa habkaa aan raadka cad lahayn wax u qora dhammaan firqooyinka  aan ahayn ahlu-sunnada ,isla markaana aan lahayn abtiriska diineed.
 
haddaba , si aan u raacno dariiqa xaqa ah , ugana badbaadno waddadooyinka bidcada ee mugdiga ah , waxaa lagama maarmaan ah : –
 
 In aan daraasayno daliillada kitaabka Ilaahay iyo  Axaadiista Rasuulka CSWS ee Imaamyaalka Islaamku u cuskadeen  kala caddaynta ahlu-sunnada iyo bidcada .
 
 In kitaabbada imaamyaalka aan ka soo xiganno marxaladihii ay soo mareen Imaamyaalka Islaamka si loo ogaado qarni kasta ciddii ahayd Ahlu-Sunnah.
 
� In aan caddayno cidda bidcada ah iyo daliilka sida ay u noqdeen bidcada iyo caalimiinta Islaamka ee caddeeyey Bidcannimadooda.
 
Kala caddaynta Ahlu-Sunnada iyo Bidcada
 
Adillooyinka ugu waawayn ee kala caddeeya ahlul-xaqa iyo ahlul-baadilka waxaa ka mid ah aayadda quraanka kariimka ee Ilaahay uu yiri:
 
” وأن هذا صراطى مستقيما فاتبعوه ولا تتبعوا السبل فتفرق بكم عن سبيله ذلكم وصاكم به لعلكم تتقون
Kani waa jidkaygii toosnaa ee raaca, hana raacinnina waddooyinka qalloocan si aanay idinkaga kala kaxayn Ilaahay jidkiisa; kaas ayuu Ilaahay idiin dardaarmay, si aad Ilaahay uga cabsataan.
 
Imaamyaalka Islaamku waxay isku raaceen in dariiqa toosan ee Ilaahay aayaddan ku sheegay uu yahay dariiqa shariicada Islaamka ee ay haystaan Ahl-sunna wal-jamaacah, sidoo kale waxay isku raaceen in dariiqa Ilaahay ka digay ee uu yiri yaan  la raaacin uu yahay dariiqa Gaalada,  Bidcada , munaafiqiinta iwm.
 
Sidaas darteed, qofkii bidci noqda laga aqbali maayo camal iyo cibaada kasta oo uu sameeyo, waayo wuxuu qaaday dariiqii qalloocnaa ee uu ka digay Rabbi (SWT)
 
 Xadiith saxiix ah oo ay weriyeen Bukhari iyo Muslim wuxuu Rasuulku CSWS ku yiri :
 
من أحدث فيها حدثا أو آوي محدثا فعليه لعنة الله والملائكة والناس أجمعين لا يقبل الله منه صرفا ولا عدلا رواه البخاري ومسلم
Qofkii diinta Islaamka ku soo kordhiya bidcannimo ama xiriiriya qof bidci ah, ha ku dhacdo lacnaddii Ilaahay, lacnaddii malaaikta iyo lacnaddii dadka oo dhan, Ilahayna ka aqbali maayo waajib iyo sunna midna.
xadiis saxiix ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim Rasuulka CSWS wuxuu yiri :
 
 إن أحسن الحديث كتاب الله وأحسن الهدي هدي محمد صلى الله عليه وسلم وشر الأمور محدثاتها وكل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة وكل ضلالة فى النار . رواخ البخاري ومسلم والنسائي عن جابر
hadal waxaa ugu wanaag badan Kitaabka Ilaahay , hannuunna waxaa ugu wanaag abdan hanuunka Rasuulka CSWS , wax gadaal laga soo durrisiiyo dhammaantood waa bidca.
xadiis kale oo saxiixa ah oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim wuxuu Rasuulka CSWS yiri :
من أحدث فى أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد رواه البخاري ومسلم وأبو داود عن عائشة
qofkii ku soo kordhiya diinteenan wax aan ka mid ahayn waa lagu celinayaa .
XAdiis kale oo ku macna ah xadiiskii aan soo sheegnay wuxuu Rasuulku yiri :
 
إياكم وحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة رواه أبو داود والترمذي
sababta bidcadu ku mutaysteen xumaantaas waxaa ugu weyn beenta ay ka sheegaan Imaamyaalka iyo  fasirka Diinta Islaamka  . Rasuulka  oo taas noo caddaynaya  wuxuu ku yiri xadiiska saxiixa ah  oo ay weriyeen Bukhaari iyo Muslim
 
يدعون إلى كتاب الله وليسوا منه فى شيئ رواه البخاري و مسلم
 )Bidcadu ) kitaabbka Ilaahay ayey dadka ugu yeerayaan waxna kama haystaan kitaabka Alle.
 
Rasuulka CSWS wuxuu xaddithkan ku cadaynyaa : In dadka bidcada ah ay afka uun ka yiraahdaan Kitaabka alle , kitaabka alle, laakiin dhaqankodu ka fogyahay kitaabka Rabbi SWT , Sunnada Rasuulka CSW iyo guud ahaan Shariicada Islaamka.
 
Haddaba haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkiisu sidaas u caddeeyeen  in bidcada aan lag aqbalayn lagana yeelayn quraanka iyo xadiithka ay aqrinayaan , qofkii raacana uu naarta gelayo.
 
Haddii Ilahay SWT iyo Rasuulkisu caddeeyeeen dariiqa  ay raalliga ka yihiin oo ah   dariiqa ay diinka ku fasireen Imaamyaalka ahlu sunna wal jamaaca waxaa qofka muslimka ah  ku waajib ah inuu noqdo ahlu sunna wal-jamaaca, waxaana ka xaaraam ah inuu raaco dadka bidcada ah.
 
 sidaas awgeed , qof kasta oo ka hadlaya, wax ka qoraya ama sheeganaya ahlu-sunnah wal-jamaaca , waxaa laga rabaa inuu caddeeyo Imaamyaalka ah Ahlu-sunna ee qarni kasta, uuna ka billaabo Qarnigii koowaad ee uu ku sugnaa Rasuulka CSWS ilaa waqtigan aan joogno , markaaas waxaa caddaanaya cidda ahlu-sunnada ah, ee ku sifowdey xadiiska saxiixa ah ee Rasuulka CSWS uu yiri :
 
ولن تزال هذه الأمة قائمة على أمر الله لا يضرهم من خالفهم حتى يأتى أمر الله رواه البخاري ومسلم وأبو داود والترمذي
Xadiiskan oo ay weriyeen Imaam Bukaari , Imaam muslim , Imaamu Abuu daawud, iyo Imaam Tirmidi wuxuu  macnihiisu yahay  ummaddaydu waxay weligood ahaanayaan  kuwa  u istaagaya Ilaahay amarkiisa waxna kama dhimayo kuwii khilaafa ilaa uu uga yimaado ( Qiyaamuhu ) Amarkii Ilaahay
 
 si dhamays tiran ayaa loo arkay ballan qaadkii Rasuulka csw , waayo waxay  Ahlu-sunna  wal-jamaaca noqdeen:
 
1.    Jamaacada keliya ee aan marna ku baabi in weerarka iyo shirqoollada kaga yimaada gaalada , munaafaqiinta , bidcada iyo guud ahaan cadawga Diinta Islaamka, guushuna ku danbeyso gacantooda .
 
Firqooyinka kale ee bidcada ah ma aha sida ahlu-sunna oo kale , mar wey soo baxaan , marna wey baabaaan, tusaale waxaa noogu filan bidcooyinkii hore , sida bidcadii Muctasilada , bidcadii Qadariyada , bidcadii khawaarijta, bidcadii faadimiyiinta , sanaadiqadii baadiniyada ,  bidcadii Jahmiya iwm. weliba bidcooyinkan waxaa ka mid ahaa kuwa aad u xoogaystay  oo qabsaday waddama iyo magaalooyin waawayn, kuwaas ay ka mid ahaayeen faadumiyiinta , baadiniyada , iyokuwii la midka ahaa ee dhibaatooyinka waaweyn u geysan jiray Ahlu-sunnada.  
2.    waa Jamaacada keliya ee waqti kasta ugu badan muslimiinta,  Qarni kastana ay ka soo baxaan Imaamyaalka ugu waawayn ugana faraha badan caalimiinta Diinta Islaamka.
 
Haddaba si aan uga faaiidaysanno caddaymahaas , waxaan qoraalkan ku soo gudbinaynaa imaamyaalkii Qarni kasta ugu  waawaynaa caalimiinta diinta Islaamka , waxaanna ka billaabaynaa qarnigii ugu fadliga badnaa ee uu dhexdiisa joogay Rasuulkeenna muxammad CSWS.خير القرون قرني ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم
 
 
Qarnigii 1-aad
Saxaabadii Rasuulka & Taabiciinta
 
والسابقون الأولون من المهاجرين والأنصار والذين اتبعوهم بإحسان رضي الله عنهم ورضوا عنه . الآية التوبة 100
 
Qarnigii 1-aad ee hijrigu waa sabanka ugu fadliga badan Qarniyada , waa Qarnigii Ilaahay soo bixiyey Rasuulka CSW , Qarnigii Asaxaabtu ka waraabtay cilmigii waxyiga ee kitaab-ka Ilaahay iyo Sunnada Nabiga CSW .
 
Asaxaabta xanbaartay cilmiga barakaysan ee waxyiga waxaa ugu waawaynaa  khulafaa u Raashidiinta oo kala ah Abuubakar Al-Sadiiq , Cumar Ibnul-Khidaab , Cusmaan Ibnu Cafaan iyo Cali Ibnu Abii Daalib , dhammaantood Allaha ka raalli noqdee.
Khululufaa u-Raashidiintu waa imaamyaalka ugu cilmiga iyo ٍfadliga badan khulufadii uu Rasuulku amray in laga qaato sunnadooda.
عليكم بسنتى وسنة الخلفاء الراشدين المهديين عضوا عليها بالنواجد .
 
ِِSaxaabadii kale ee Cilmiga ka qaatay Rasuulka csw waxaa ka mid ahaa , caalimiin ay ka mid yihiin Caaisha (hooyadii  muuminiinta) , Dalxa ibnu cubaydillaah, Subayr Ibnul-Cawaam,  Cabdu-Raxmaan Ibnu Cawf, sacad Ibnu abii Waqaas , saciid bnu Sayd , Cubaydata Ibnul-Jarraax , Ubaya Ibnu Kacab, Sayd ibnu Saabit ,Ubaya ibnu kacab , Mucaad ibnu Jabal, Abuu muusal Ashcari, Abuu Hureyra , Abuu Dardaa, Abuu Saciidul-Khudri , Aanas ibnu Maalik iyo saxaabtii la midka ahaa.
Ugu danbayntii wuxuu cilmigii Asaxaabtu isugu soo aruuray caalimiintii asaxaabta ee kala ahaa Cabdullaahi Ibnu Cabbaas , Cabdullaahi Ibnu Mascuud , Cabdullaahi Ibnu Cumar RC.
 
Taabiciinta
رضي الله عنهم ورضوا عنه والذين اتبعوهم بإحسان
 
Haddaba haddii saxaabada cabaadalada ee kor ku xusan ay urursadeen Cilmigii laga weriyey Rasuulka CSW , waxaa iyagana  cilmigii ka xambaaray  imaamyaalkii ugu waawaynaa Taabiciinta , sida : Saciid Ibnu musayb, Curwata Ibnu Subayr , Qaasim ibnu muxammad, cadaa ibnu Rabaax,  Siciid Ibnu Jubayr , mujaahid , Masruuq , Khaarijah, Abul-caaliyah , xasanul-Basri , Bakar ibnu C/Rraxmaan ,    Calqamah , Sulaymaan Ibnu Yasaar ,  Aswad Ibnu Yaziid , C/llaahi Ibnu Cutbah ,  Masruuq Ibnul Ajdac , Xaarisata Ibnu Zayd , Aswad Ibnu Yaziid , Abul-caaliyah , xasanul-Basri , Ibraahiim Al-Nakhaci , muxammad Ibnu Siiriin , Naafic , Ibraahim Al-Nakhaci , Aswad ibnu Yasiid Al-Nakhaci, Al-Sayid Saynul- Caabidiin,  Cubaydillaah , Saalim ibnu Cubaydillaah, Cikramah,  Khaarita Ibnu Sayd, Makxuul, Suhri , Camar Ibnu Diinaar, Cumar Ibnu Cabdil-Casiis iyo Taabiciin kale oo aad u fara badan.
 
Cilmigii Taabiciinta ee laga bartay Asaxaabta Rasuulka CSWS wuxuu isugu soo biya shubtay taabiciinta ay kamidka yihiin
Al-Sayid Abuu Muxammadul-Baaqir, Xasanul-Basri , Cumar ibnu diinaar , Suhri , Ayuubu Sakhtiyaani , C/llaahi Ibnu Diinaar , Ibnu Siiriin,  Ibraahiim Al-Nakhaci, Hishaam Ibnu Curwah, Rabiicatu Ray Naafic iyo imamyalkii la midka ahaa .
 
 
Qarnigii 2-aad
Taabicu  taabiciinta & Imaamyaalkii Madaahibta
خير أمتى القرن الذين يلونى ثم الذين يلونهم ثم الذين يلونهم رواه البخاري ومسلم
 
cilmigii Taabiciinta ee laga dhaxlay Saxaabada Rasuulka CSWS , waxaa  xambaaray imaamyaalkii ugu waawaynaa Taabicu taabiciinta ee ay ka mid ahaayeen Imaamyaalka madaahibta.
 
Xilligan Taabicu Taabiciinta waxaa billaabmay qoristii Culuumta diinta Islaamka. Waqtigan waxaa qoritaanka cilmiga safka hore kaga jirey Imaamyaalkii madaahibta oo ay ka mid yihiin imam Abuu xaniifah iyo Imaam maalik.
 
Imaamyaalkii ugu waawaynaa taabicu taabiciinta waxaa ka mid ahaa : Asayid Jacfaru Saadiq , Xabiibul-Cajami ,  Imaam abuu xaniifah, Imaam maalik, Imaam Ibnu Jureyj , Imaam Sufyaanu Sawri , Imaamul- Awsaaci , Imaam Lays Ibnu Sacdi .
 
Waxaa la xiriiray Imaam sufyaan Ibnu Cuyeynah , Imaam Ibraahim Ibnu Adham , Imaam Fudayl Ibnu Cayaad , Imaam Wakiic , Imaam Macruuf Al-Karkhi , Imaam C/llaahi Ibnu Mubaarak, Imaam Shaafici , Imaam yaxyaa Ibnu Qadaan , Imaam Ibnu Mahdi iyo Imaam-yaal-kii la mid ka ahaa.
 
Imaamyaalka madaahibta ee qarniga labaad  waxaa lagu khatimay Imaam shaafici oo geeriyooday 204-tii  hijriya.
 
Imaamyaalka Qarnigii labaad  xoojiyey Madaahibta Xanafiya iyo Maalikiya
 
Xanafiya
 Imaamyaalkii gacanta weyn ka gaytay xoogaysiga madhabta barakaysan ee xanafiyada waxaa ka mid ahaa : Imaam Sufar, Imaam Daauudu Daai, Imaam ibnu siyaad Al-lului, Imaam Usdi Ibnul-Furaat, Imaam Abuu Yuusuf , Imaam Muxamad Inul-Xasan Al-Shaybaani labadan imaam ayaana ah imaamyaalka door ugu weyn ku leh madhabka.
 
Maalikiyah
Imaamyaalkii madhabka maalikiyada u istaagay waxaa ka mid ah Imaam Ibnu Wahbin, Imaam abul-Xasan al-Tuunuzi , Imaam Imaam Ibnu Cabdil-Xikikam iyo imaamyaal kale.
 
Qarnigan labaad waxaa kale oo ku sugnaa Imaamyaalkii suufiayda oo ay ka mid yihiin abuu Sulaymaan Al-Daaraani , Imaam Fudayl Ibnu Cayaaad, Imaam Du-nuu Al-Misri , iyo Imaamyaal kale
 
 
Qarnigii 3aad
Imaamyaalka cilmiga ka qaatay Imaamyaalka Madaahibta.
 
cilmiga taabicu taabiciintu ka dhaxleen taabiciintii Saxaabada Rasuulka waxaa dhmaantiis dhaxlay  caalimiintii diinta ka bartay imaamyaalka madaahibta . Imamyaalkii ku sugnaa billawga qarniga 3-aad waxaa ka mid ahaa Imaam Axmad ibnu Xanbal oo ah imaamka madhabka xanbaliyada , Imaam Yaxya ibnu Maciin Imaamka cilmiga Jarxiga iyo Tacdiilka , Imaam Abuu Thawr , Imaam Isxaaq Ibnu Raahawayhi iyo imaamyaal kale oo aad ugu waawayn Diinta Islaamka.
 
Imaamyaalka qarniga saddexaad waxaa ku sugnaa Imaamyaalkii Axaadista Rasuulka  oo kala ah Imaam Bukhaari , Imaaam Muslim , Imaam Abuu Daaud , Imaam Tarmadi , Imaam Nasaa iyo Imaam Ibnu Maajah. Imaamyaalkan axaadiista ee uu imam Bukhaari ugu weynyahay waxay cilmiga ka qaaateen Imaamyaalka madaahibta .Waxaa isla qarnigan 3-aad la diiwaaniyey qawaacidda cilmiga Tasawufka Suufiyada oo uu ssheekh u ahaa Imaam Abul-Qaasim Al-Junayd , dabayaaqadii Qarnigan waxaa soo baxay Imaam Abul-Xasan Al-ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiidi oo kala ah Imaamyaalka Ashcariyada iyo Maaturiidiyada.
 
Imaamyaalka Qarnigii 3-aad  ee xoojiyey Madaahibta Xanafiya  , Maalikiya , Shaaficiya iyo Xanbaliyah
 
Cilmigii laga dhaxlay asaxaabta taabiciinta iyo taabiciinta wuxuu isugu soo biya shubtay oo ku soo aruuray caalimiinta Diinta ka bartay Imaamyaalka Madaahibta . waxaa imaamyaalkaas ka mid ahaa :-
Imaam Abuu Lays, Imaam Muxamad Al-Salaj, Imaamu Dawlaabi . Imaamul , Mawaaz, Imaam Abuu Isxaaq Al-Qurdubi, Imaam Ismaaciil Al-qaadii , Imaam Ibnu Cabduus , Imaam Ibnu Saxnuun , Imaam abuu Marwaan Al-Maajisuun , Imam Muzani , Imaam Rabiic , Imaam Sacfaraani , Imaam Abuu Sawr , Imaam Anmaadi, Imaam Ibnu sureyj . Imaam Al-Marwasi , Imaamul , Athram,  Imaam Ibraahim Al-Xarbi , Imaam Abuubakar al-Khallaal,
 
Tan waxay kuu caddaynasaa in afarta madhab ay taabba galeeen waqtigii salafu Saalixa , imaamyaalka madaahibtuna yihiin caalimiinta ahlu-sunna wal-jamaaca ,sidaas darteed firqooyinka diidan madaahibta ay yihiin Bidca ka soo horjeedda salaf-kii suubbanaa  iyo guud ahaan Ahlu-sunna wal-jamaaca .
 
Mujtahidiinta kale ee cilmiga ka qaatay Imaamyaalka Madaahibta
 
Mujtahidiintii , caalimiintii iyo caarifiintii ku sugnaa qarniga 3-aad ee cilmiga ka qaatay imaamyaalka madaahibta waxa ka mid ah :  IMaam Abuu Cubayd , Imaam Ibnu Khuzaymah , Imaam Abuu sawr , Imaam Sarriyu Saqdi al-sufi  , Imaam Bishri ibnul-Xaaris al-suufii , Imaam Axmad Ibnu Abil-Xawaari asuufi,  Imaam Bishri al-xaafii,  Imaam Ibnu masruuq asuufi , Imaam abuu cusmaan Al-Xiiri  alsuufi, Imaam Ibnu Cabdil-Jabbaar asufi .
 
Saddexdan qarni & Ahlu-sunna wal-jamaca
 
waxaan soo ogaanay  in Axaadiista saxiixa ah ee ay weriyeen Bukhaari iyo muslim ,  uu Rasuulka CSW ku caddeeyey in  imaamyaalkii ku suganaa saddexdan qarni ay yihiin kuwa ugu fadliga badan muslimiinta,
عن عائشة رضى اله عنها قالت : شأل رجل النبي صلى الله عليه وسلم أى الناس خير ؟ قال : القرن الذى أنا فيه ثم الثانى ثم الثالث . رواه مسلم وأحمد.
 
Sida aad arkaysiin saddexdan qarni waxaa ku sugnaa imaamyaalkii madaahibta ,  imaamyaalkii suufiyada , Imaamyaalkii Ashcaiyada iyo maaturiidiya.
 
Nasiib wanaag ummadda soomaaliyeed  waxay ka mid yihiin malaayiinta muslimiinta ah ee haysta madaahibta ahlu-sunna kuna abtirsada Imaamyaalkaas Salafka ah .
 waa dad shaaficiya ah , Ashcariya ah, Suufiya ah .   kuna abtirsada Rasuulka CSWS.
 
Imaamka madhabteenna Sheekh Shaafici, waxaa sheikh u ah Imaam maalik oo sheekhiisu yahay Imaam Naafic oo diinta ka qaatay Cabdullaahi ibnu Cumar ibnul-haddaab RCM oo ah Saxaabi diinta ka qatay Rasuulkeenna Muxammad CSW.
 

Imam Junayd, waa imaamka suufiyada ee ay ku abtirsadaan labada dariqa ee Qaadiriyada iyo Axmadiyah – idriisiyah-, imaam Junaydi waxaa sheekhyadiisa ka mid ah Imaam Sarri Saqdi , oo uu sheekh u ayhay imam Fudayl Ibnu Cayaad oo sheekhiisu yahay Al-Sayid imaam Jacfaru-Saadiq oo uu sheekh u yahay Al-sayid Imaam Muxammadul-Baaqir oo sheekhiisu yahay Aabbihii Al-sayid Imam Saynul-Caabidiin , Al-Imaam Al-Sayid Xasan ( Sibdigii iyo reexaantii RAsuulka wiilkii faadimatu-Sahra oo dhaxlay Aabihii Al-Sayid Cali Ibnu Abii  Daalib oo cilmiga ka qaatay Rasuu-ka suubban CSWS.

 
Lasoco qaybta 2aad…..


Qore khadar ibrahim

 
khadar338@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker