Ayax ka Dilaacay Bulaxaar oo Laga Deyriyey

Guddoomiyaha degmada Bulaxaar ee gobolka Saaxil Ismaaci Xasan Maxamed ayaa sheegay inuu Ayax ka dilaacay
deegaanno ka tirsan degmadaasi.

mar uu guddoomiyaha degmada Bulaxaar ayaa  sheegay in korankoradii uu dhawaan Ayuxu ku Aasay deegaannadaasi uu hadda dilaacay, kaas oo dhibaato weyn ku haya dallaga Beeraha iyo deegaanka.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in deegaannada lagu arkay ay kamid yihiin degmada Bulaxaar,Geeri, Gargaarka, Dabo-raqas, Faruur, Salay, Ceel-sheekh iyo Qabile, taas oo deegaankaasi uu kusii badanayo korankardii ka dilaacday ee uu Ayaxu ku Aaasay deegaanadaasi.

Guddoomiye Ismaaci Xasanwaxa uu baaq u diray wasaaradda Beeraha iyo Hay’adaha ku shaqada leh la tacaalida Ayaxu inay si deg dega u soo gaadhaan deegaanadaas uu Ayuxu saameeyey si ay u badbaadiyaan dalaga Beeraha iyo deegaanka, waxaaanu iftiimiyey inay dhawaan kormeer ku soo mareen koox khubarro ah oo ku shaqo leh la dagaalanka Ayaxa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker