Abiy Ahmed Oo ugu baaqay dalalka Afrika inay ku taageeraan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay ku taageeraan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa ee ku aadan howlgallada sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celinayo deegaanno ka tirsan ah dalkaas.

Wuxuu ka codsaday dalalka Afrikaanka ah inay garab istaagaan Itoobiya isla markaana uu dalkiisa wajahayo olole caalami ah xilli uu doonayo in sharciga dib loogu soo celiyo deegaannada.

Abiy ayaa hadalka ka sheegay xilli xaaladda gobolka Tigray uu uga warbixinayay golaha Midowga Afrika u qaabilsan amniga.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay tageerada ay u muujiyeen Itoobiya .

Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay Tigray kadib markii sanadkii hore howlgal militeri ku qaadeen halkaas.

Waxaa sidoo kale jiraa eedeymaha in gobolka laga geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, arrintaas oo ay dowladda beenisay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker