Botswana: Mokgweetsi Masisi oo dib loogu doortay madaxtinnimada dalkaas
Madaxweynaha dalka Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalkaas kaddib markii xisbigiisa BDP uu ku guuleystay inta badan kuraasta baarlamaanka, sida uu shaaca ka qaaday madaxa caddaaladda.
Doorashadii guud ee Arbacada ka dhacday Botswana, hogaamiyaha xisbiga ku guuleysta kuraasta ugu baraalamaanka ayaa noqonaya madaxweynaha xiga ee dalkaas.
Masisi ayaa noqday madaxweyne sannadkii 2018-kii kaddib markii xilka iska casilay Ian Khama, wixii xilliggaas ka dambeeyay loolan siyaasadeed ayaa ka dhexeeyay.
Bishii May Mr Khama ayaa ku eedeeyay madaxweyne Mokgweetsi Masisi inuu yahay ‘nin kaligiitalis ah’, wuxuuna ku dhawaaqay inuu taageerayo isbaheysiga mucaaradka ee dalkaas.
Xisbiga BDP ayaa awoodda Botswana hayay tan iyo markii uu xoriyadda ka qaatay dalkaas Britain sannadkii 1966-dii.