Qarax Lala Beegsaday Masaajid ku yaal magaalada Quetta ee galbeedka Pakistan
Wararka ka imanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhimatay halka 25 kalena uu dhaawacmeen qarax xoogan oo ka dhacay gudaha masaajid ku yaal magaalada Quetta ee galbeedka Pakistan.
Taliyaha ciidanka Booliska magaalada Mr Cabdi Risaaq Cheema oo u waramayay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay iyada oo lagu gudo jiro salaada Qudbada ee Jimcaha.
Sadex ka mid ah 25 qof ee dhaawacmay ayaa xaladooda laga Deyrinayaa, sargaal ka tirsan booliska maxaliga ah ee magaalada Quetta ayaa dhankiisa sheegay in qaraxa la dhigay imaamka Gadaashiisa.
Dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Imaamka masaajidka uu qaraxa ka dhacay ee magaalada Quetta, Si kastaba ha ahaatee ciidanka Booliska ayaa guda galay baadhitaanka qaraxaan iyo cidda ka Danbeysa.