Doorashooyinku way ka Gudbeen Axsaabta ,balse waxay sugayaan Golaha Wakiilada ,, Xildhibaan Cartan
Siciid Cartan Cismaan oo shalay u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in nidaamka Sharci ee u yaala Xeerka Koomishanka Doorashooyinka ay marin doonaan xubnaha Cusub ee Koomishanka Doorashooyinka,waxaana uu intaasi ku daray in Xisbiga Waddani aanu awood u la hayn uu ku hakiyo Xubintii Koomishanka Doorashooyinka.
Siciid Cartan Cismaan oo Arimahasi ka hadlyayna waxa uu yidhi.
“Komishanka doorashooyinka Qaranka sida loo soo magacaaabayaa way cadday oo nidaam sharci ayay maraan Madaxweynaha ayaana usoo gudbinaya golaha Wakiilada Xubnaha Komishanka Doorashooyinka,markaa Xisbiyada mucaaradka hawsha waanu kala leenahay waxaana iska leh Golaha Wakiilada Xisbi Mucaarad shaqo kuma laha Xisbiyaduna waxay leeyihiin talo inta aanu Madaxweynuhu usoo gudbin golaha wakiilada.mar hadii golaha wakiilada ay soo gaadhaan xubnaha komishanka doorashooyinka waxa iska leh golaha wakiilada dib u eegistooda iyo kala shandhyntoodaba iyadoo la raacayo sharciga u yaalla xeerka gudida Doorashooyinka oo waajibaad kooda Sharci ka gudanaya eegayana sida lagu noqon karo ka mid noqoshada Komishanka Doorashooyinka.
Waxaanu sheegay in aanu xisbiga Waddani in aanu xaq u lahayn hakinta xubintiisa,waxaanu yidhi.“Waxaan arkayay Xisbiga WADDANI oo leh waxa aanu la noqonay xubintoodii Komishanka Doorashooyinka Qaranka sharci ay u leeyihiin ma jirto,Komishanka Doorashooyinka Xisbiyo uma shaqeeyaan maalintaa la ansixiyo waxay noqonayaan Komishan Qaranka u shaqeeya waxaana ka hadhay inta la ansixinayo,”.