Dawlada Kenya oo Gubtay Qaad Qiimihiisu ku kacaya $234,802, oo si Dhuumasho ah Lagu Galinayay Soomaaliya + Sawirro
Nairobi (OWN) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gubay Qaad la doonayey in loo soo gudbiyo gudaha Soomaaliya.
Jaadka oo lagu siday labo Doomood waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Badda Kenya ee ka howlgala Gobolka Lamu, gaar ahaan Biyaha Badweynta Hindiya.
Sarkaalka dowladda Kenya uga Wakiilka ah gobolkaasi oo lagu magacaabo Irungu Macharia ayaa sharraxaad ka bixiyey, sida lagu qaabtay Qaadkaasi.
“Dambiilayaashu waxa ay sheegteen in Magaalada Kiunga oo ku taal Soohdinta Lamu ee Soomaaliya ay u wadaan Qaad Balse Waxay Noo Sheegeen inay Wadaan Geedaha la isku daaweeyo, Taasna Maanaan Rumaysan Sababtoo ah Waxaan ka Warqabnay Ganacsigooda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya ay usoo gudbiyaan” ayuu yidhi Macharia.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taallabada ay tahay mid lagu dhaqan-gelinayo go’aankii lagu mamnuucday isu gudubka dalalka, sababo la Xidhiidha Corona.
“Dadku waa ay ogyihiin oo waa ay la socdaan in Dowladdu mamnuucday isu gudubka Dalalka, sababtu waa go’aanka lagu xakameynayo Faafidda Xannuunka Coronavirus, sidaas oo ay tahay waxa aan xadideynaa dhaq-dhaqaaqyada nuuc waliba si go’aanka uu dhaqangalo”. ayuu markale yidhi Irungu Macharia.
Sida ay ogaatay Caasimada Online Qaadka la gubay ayaa wuxuu ku kacayey lacag dhan shan iyo laabatan milyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta $234,802.
Soomaaliya ayaa inta aysan mamnuucin duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha wuxuu Qaad fara badan maalin-walba uga imaan jiray dalka Kenya, balse waxaa la joojiyey markii kiisas ka mid ah Coronavirus laga helay gudaha magaalada Muqdisho.