Somali Lagu Dilay Magaalada Toronto Ee Dalka Canada
Wararka ka Imanaya Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka dalkaas kunool.
Rag hubeysan ayaa Muwaadinka ku dilay goob ku taalla Magaalada Toronto,waxaana geeridiisa xaqiijiyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaas.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Farhan Jaamac,kaasi oo kamid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaanay Magaalada Toronto,isla markaana ahaa Nin aad u firfircoon.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ragii hubeysnaa goobta ay ka dhaqaaqeen,kadib markii ay dilka u geysteen Farhan Jaamac.
Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca falal kala duwan oo loo heysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.